
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey Magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.”
Marxuum Axmed Calisalaad oo aad looga yaqaanay Gobolka Sanaag, waxa uu ka mid ahaa Guurtida Gobolka Sanaag, isagoo ku suntanaa ka shaqeynta Nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada Gobolkaas.
Madaxweyne Deni, ayaa geerida Marxuumka uga tacsiyeeyay shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada Gobolka Sanaag, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.
PUNTLAND POST