Sheekh Shariif iyo Safiirka Ingiriiska oo ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed, ayaa sheegay in uu kulan Khadka teleefanka la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Amb Ben Fender.

Sheekh Shariif iyo Safiirka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin diyaar garowga doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo dhamaanka sanadkan 2020/2021 iyo arrimo kale.

Sdioo  kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay la tacaalista Cudurka halista ee Coronavirus, xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.

War qoraal oo uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay in isaga iyo Safiirka Ingiriiiska  ay isla soo hadal qaadeen wada-hadallada dowladda Soomaaliya  iyo maamulka Somaliland oo soo biloowday xilligii uu Shariif madaxweynaha ahaa.

PUNTLAND POST