Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta xanuunka Coronavirus waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay 34 kiis oo COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween..
Tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee wasaaraddu diiwaan gelisay ayaa gaartay 756 waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.
Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo khatarta cudurka.
PUNTLAND POST