Farmaajo iyo Erdogan oo wada-hadal ku yeeshay Khadka Internet-ka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay wada-hadal khadka Internet-ka ah la yeeshay madaxweynaha  Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay garab-istaagga dowladda Turkiga iyo agab ka caafimaad ee ay sida deg-dega ah dalka Soomaaliya ugu soo direen, taasi ah oo ah mid loogu talagalay in looga hortago Cudurka Coronavirus.

 “Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiya walaalkay Mudane Rajab Dayib Erdogaan, aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen. Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaanka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19” ayuu yiri Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa dorraad Magaalada Muqdisho keentay qalab Caafimaad iyo agabyo kale, kuwaasi oo looga hortagayo faafida Cudurka COVID-19 oo kiisad badan  laga helay Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka.

PUNTLAND POST