Booliiska Puntland oo shan sanno gudahood Shan Taliye Yeeshay

Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen Cabdiyare

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland, Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen ( Cabdiyare), ayaa xalay si rasmiya ula wareegay xilka, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Amniga Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Taliye Cabdiyare, oo Madaxweyne Deni uu magacaabay 27-kii bishii tagtay ee April, ayaa xilka kala wareegay Taliyihii hore Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, oo xilkaasi hayay mudda sannad iyo lix bilood ah, kadib markii loo magacaabay 28-October 2018.

Munaasabadda xil-wareejinta, waxa ka qayb-galay Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, Taliyaasha Ciidamada Asluubta iyo Daraawiishta, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo Marti sharaf kale.

Gen Cabdiyare, oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda xil-wareejinta, ayaa ballan-qaaday in uu isbeddel dhab ah ka samayn doono Sugidda Amniga Puntland , islamarkaana uu ka shaqayn doono in Booliisku saaxiibo dhow u noqdaan Shacabka.

Booliiska Puntland, waxaa shantii sannadood ee u dambaysay isku-beddelay ilaa Shan Taliye, laga soo bilaabo 7-Agoosto 2015 xilligaas oo Taliyaha Booliiska Puntland loo magacaabay Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-guduud).

14-May 2016, Madaxweyne Gaas ayaa xilka ka qaaday General Cabdirisaaq Af-guduud, kadib shaqaado ka dhacday Xarunta Ciidanka Birmadka Puntland ee Magaalada Boosaaso, wuxuuna Taliyaha Booliiska Puntland u magacaabay sarreeye Guuto Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg.

25-January 2018, Madaxweyne Gaas ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Booliiska Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg oo markii horena uu shaqa-joojin ku sameeyay, waxaana si rasmiya Taliyaha Booliiska Puntland loogu magacaabay Gen. Cabdullaahi Shire Dool.

28-October 2018, Cabdiweli Gaas wuxuu haddana xilka ka qaaday Cabdullaahi Shire Dool, isagoo Taliyaha Booliiska Puntland u magacaabay Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, kaas oo isagana 27-April 2020 uu Madaxweyne Deni ku beddelay Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen Cabdi yare.

PUNTLAND POST