Ciidamo ka soo jeeda Galmudug ayaa xalay weerar ku soo qaaday degaanka Teerage ee galbeedka magaalada Gaalkacyo waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac inkastoo markii dambe ay dib uga laabteen.
Ciidamada ka yimid Galmudug ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku yaalla degaankaas waxaana goobta ka dhacay dagaal culus oo mudda saacad ah socday.
Inta la xaqiijiyay waxa dagaalka ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland saddex kalena waa ku dhaawacmeen balse lama oga khasaaraha gaaray ciidamadii weerarka soo qaaday.
Wararku waxay sheegayaan in haatan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland uu ka socdo gurmad xooggan iyo hub-urursi taasi oo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro labada dhinac.
PUNTLAND POST