Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay suxufiyiinta Soomaaliyeed

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah.

War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska James Swan oo looga hadlay munaasabadda maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da  Maajo (May) ayaa lagu sheegay in xilliga lagu jiro doorashooyinka Soomaaliya ee qof iyo cod iyo la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, loo baahan yahay warbaahin firfircoon oo xor ah, taas oo awood u leh inay wararka u soo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah.
 
“Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhiimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid, waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” ayuu raaciyay.
 
Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3-da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay “Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex,” iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta.
 
Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah.

PUNTLAND POST