Puntland oo laga diiwaan galiyey kiisas cusub oo COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa caawa shaacisay 7 bukaan oo maanta laga helay xanuunka COVID-19.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in maanta xanuunka COVID-19 laga baaray 11 ruux, islamarkaana laga helay 7 kamid ah, oo 5 rag yihiin, halka 2 kalana yihiin dumar.

Bukaanada 7-da ah ee laga helay maanta xunuunka COVID-19 ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland xustay in 3 kamid ah dadkaas ay ku sugan yihiin degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, halka 4 kalna ay ku nool yihiin caasimadda Puntland ee Garowe.

Tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ayaa gaartay 30 ruux, kuwaas oo ku jiro bukaan u geeriyooday.

PUNTLAND POST