
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, oo ka baxay magaalada Gaalkacyo, ayaa saaka isku fidiyay degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo xalay dagaal culus ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.
Ciidanka oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka, ayaa difaacyo kala duwan ka xirtay goobihii xalay lagu dagaallamay ee nawaaxiga saldhiga Teerage, si ay u xoojiyaan difaacyada ciidanka Daraawiishta ee ku sugan halkaas.
Tallaabadaas ayaa ku soo beegmatay, kadib markii xalay ciidamo taabacsan Galmudug ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku yaalla Teerage, halkaasna uu ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, waxaa saaka labada dhinac ee magaalada ka socda gurmad iyo hub-urursi ciidan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal toos ah ka dhex qarxo ciidamada Puntland iyo Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.