Wararka ka imaanaya degaanka Teerage oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas ay dagaal culus ku soo qaadeen ciidamo ka soo jeeda dhinaca Galmudug.
Ciidamadaas oo ka soo gudbay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa dagaal xooggan la galay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo degaanka difaaac kaga jiray Teerage waxaana halkaas ka dhashay khasaare aan weli si rasmiya loo xaqiijin.
Wararka hordhac ah ayaa tibaaxaya in hal askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku dhintay dagaalka saddex kalena ay ku dhaawacmeen balse weli lama oga khasaaraha gaaray dhanka Galmudug
Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga dhinaca Puntland oo warbaahinta Puntland Post xiriiro kala duwan la samaysay ayaan ilaa iyo haatan suura-gelin in ay ka jawaabaan Taleefannadooda.
PUNTLAND POST