Baarlamaanka Jubbaland oo aqbaly codsi uga yimid madaxweynaha

Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta aqbalay codsi uga yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu ku soo dhisayo Xukuumada cusub.

Kulan ay Kismaayo ku yeesheen Baarlamanaka Jubbaland oo shir gudoominayay Gudoomiyaha Baaarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa Golaha laga hor akhriyey codsiga ka yimid Madaxwayne Axmed Madoobe.

Kadibna Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey codsiga madaxweynaha Jubbaland, waxaana ogolaatay 48 Xildhibaan, 2 mudane ayaa diiday, hal mudane waa ka aamusay, waxaana kulanka fadhiyey 51 mudane.

Waa markii labaad oo Baarlamaanka Jubbaland ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga la soo dhisayo Xukuumadda cusub, waxayna tani ku soo aadaysaa iyadoo dhawaan ay heshiis gaareen madaxweynaha Jubbaland iyo golihii is beddel doonka ee mucaardka jubbaland.

PUNTLAND POST