Turkiga oo mar labaad deeq caafimaad soo gaarsiiyey Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshad dowladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Sabti ah guddoontay shixnad kaalmo caafimaad oo ka timid dalka Turkiga, taas oo loogu talagalay ka hortaga xanuunka Coronavirus.

Safiirka Turkiga, Mudane Mehmet Yılmaz, ayaa wareejiyay kaalmada agabka caafimaad oo ay ku jiraan maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, waxa kale ka mid ah qalabka neef-siinta (ventilators) .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga taageeradooda iyo garab-istaagooda Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay kaalinta howsha bani’aadannimo ee dunida ay ka geysanayaan xilligan oo dalalka intooda badan ay wajahayaan xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamada caafimaad ee Turkiga waxaa kaloo goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Kaalmada caafimaad ee Turkiga oo huwanayd halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa ah midii labaad oo muddo labo todobaad gudahooda lagu soo gaarsiiyo Soomaaliya, iyadoo la filayo in maalmo kadib Caasimadda Muqdisho ay ka degto diyaarad sida sariiraha isbitaallada, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Turkiga ayaa deeq caafimaad siiyay 33 dowladood oo uu ku gaarsiiyay diyaaradihiisa milatari ee xamuulka si looga hortago cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 601 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Coronavirus, oo ay ka mid yihiin 31 ruux oo bogsatay iyo 28 ruux oo u geeriyootay.

PUNTLAND POST