Soomaaliya: Kiisaska Karoona oo aad u kordhay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay rag yihiin, halka 22-na haween yihiin. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, halka sedaxdna ay ku suganyihiin Somaliland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Dowladda Soomaaliya oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.

PUNTLAND POST