Puntland oo ka digtay xanuuno halis ah oo ka dhalan kara Fatahaaddii Qardho

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa digniin ka soo saartay nadaafad-darro baahsan oo ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho kuwaas oo keeni kara xanuuno halis ah.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Qardho ayaa sheegay in daadadkii ku rogmaday Qardho ay isku fureen suuliyaashii iyo ceelashii laga cabi jiray ee magaalada taasina ay ka dhalan karaan cuduro halis ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in suuqyadii magaalada iyo waddooyinka qaar ay daadadkaas ku reebeen qashin iyo dhiiqo badan oo isku dhex qasmay oo sababi kara xanuuno ay ku jiraan shubanka iyo daacuunka oo ka daran COVID-19.

Sidoo kale wuxuu aad shacabka Qardho uga digay in ay iska ilaaliyaan biyaha wasakhaysan ee ceelasha suuliyaashu ku furmeen iyo sidoo kale qashinka iyo biyaha isku milmay ee daadadku ka tageen.

Halkaan ka daawo hadalka Wasiirka

PUNTLAND POST