Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa caawa shaacisay in maanta oo keliya 12 bukaan, oo horleh laga helay xanuunka COVID-19
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan, ayaa sheegay in maanta xanuunka laga baaray 20 ruux, islamarkaana laga helay 12 kamid ah, halka 8 kale laga waayay.
Bukaannada maanta la baaray, ayaa isugu jiray 16 rag ah iyo 4 dumar ah, waxaana xanuunka laga helay 9 nin iyo 3 haween ah. Dadka cudurka laga helay ayaa da’doodu u dhexaysaa 15-sano jir ilaa 65-sano jir.
Wasiir Jaamac, ayaa tilmaamay in tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ay gaartay 23 ruux, kuwaas oo uu ku jiro bukaan u geeriyooday xanuunka balse aysan jirin cid weli ka bogsatay.
PUNTLAND POST