Wafdi ka socda DFS iyo saddex diyaaradood oo Gargaar sida oo soo gaaray Puntland

Saddex diyaaradood oo gargaar sida oo ay wadeen wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jamce ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo hoggaaminayey wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano degaan doorashadoodu tahay Puntland oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in ay u yimaadeen in ay soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay daadadkii Qardho, kadibna ay kula laabtaan dowladda Federaalka.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in ay Puntland keeneen saddexd diyaaradood oo sida agab isugu jira bacaha roobka, teendhooyin, kadiifado iyo maacuun, kuwaas loogu talagay dadkii ku barakacay daadadkii ku soo rogmay magaalada Qardho.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti oo kamid ahaa mas’uuliyiintii Puntland ee garoonka diyaaraha Garowe ku soo dhaweeyey wafdigan ayaa ka mahadceliyey gargaarka ay dowladda Soomaaliya soo gaarsiisay dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii ka dhalatay daadadkii ku soo rogmay Qardho.

Wafdigan waxaa kamid ah Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan, Wasiiru dowladaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeen Gargaarka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari iyo Xildhibaan Maxamuud Maas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalinta ugu weyn ka qaadatay gurmadka dhibaatadii ka dhalatay fatahaadii daadadkii Qardho, iyadoo horay u bixisay $1,000,000 oo loogu talagay dadkii waxyeeladu gaartay.

PUNTLAND POST