
Siyaasiga Soomaaliyeed ee Maxamuud Khaliif Xassan jebiye, ayaa shaaciyay in uu lacag dhan $45,000 oo Dolllar kaga qayb-qaadanayo, gurmadka loo fidinayo shacabka magaalada Qardho ee ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday halkaas.
Siyaasi Jebiye, ayaa muuqaal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray, dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Qardho ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadda ka dhalatay roobabka gu’ga.
Mudane Jebiye, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen dadkii ku dhintay daadadka iyo sidoo kale qoysaska ku hantibeelay, isagoo ilaahay uga baryey in uu Samir iyo iimaan ka siiyo islamarkaana Ciwad khayr qaba ugu beddelo.
Sidoo kale, wuxuu xusay in lacagta uu ku bixiyay gurmadka lagu iibinayo Raashinka daruuriga ah oo wakhtigaan dadku aad ugu baahan yihiin, maadaama bakhaaradii kaydka Raashinka Qardho ay fatahaadda ku aasmeen.
Siyaasi Jebiyay, oo xilka madaxtinimada Puntland u tartamay doorashadii u dambaysay ayaa xilligaas lagu bartay in uu hantidiisa ku bixin jiray danaha Caamka ah iyo caawinta dadka tabaalaysan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.