Guddiga gurmadka magaalada Qardho, ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen daadadku, si dib loogu furo isu-socodka dadka iyo gaadiidka.
Guddiga oo isticmaalaya gaadiidka CAGAF-ta la yiraahdo, ayaa saaka banneeyay goobo kala duwan oo ku xirmay Fatahaaddii habeen hore ka dhacday degmada Qardho, si loo soo celiyo isu-socodka magaalada.
Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf.
Daadadkii ku fatahay Qardho, ayaa xiray waddooyin iyo gooba kale oo muhiim u ahaa magaalada, waxayna xannibeen isu-socodka qaar kamid ah xaafadaha Qardho.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.