Puntland oo Guddi u magacowday fatahaada Qardho iyo amar ay soo saareen

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga gurmad u magacaabay fatahaadii daadadka degmadda Qardho ee gobolka Karkaar, taas oo sababtay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran.

Guddiga oo ka kooban 24 xubnood ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee dowladda, culimo, siyaasiyiin iyo ganacsato, waxayna kala yihiin.

1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska
5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda
6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha
7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka
8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta
10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska
11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA
12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha
13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi
15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye
16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre
17. Siyaasi Cali Abdi Awaare
18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar
19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
20. Guddomiyaha Degmada Qardho
21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda
22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.
23. Axmed Cabdi Hurre
24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)

Dhanka kale Guddiga loo magacaabay gurmadka Qardho ayaa bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay ku wargaliyey in aysan furi karin wax koonto ah oo loogu magacdaray Guddiga fatahaada daadadka Qardho, marka laga reebo kuwa ay guddigu furidoonaan.

Sidoo kale Guddiga ayaa ku wargaliyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee u heelan ka qeyb qaadashada gurmadka Qardho in waxa ay uruuriyeen ku soo aadiyaan koontooyinka ay dib u shaacin doonaan Guddigu.

PUNTLAND POST