Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Qardho, ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble.
Madaxweyne Deni, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Xarunta.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu min hal derejo dallacsiiyay, dhammaan ciidankii u gurmaday samata-bixinta shacabka Qardho, kadib daadadkii ku soo rogmaday magaalada.
Madaxweyne Deni, ayaa ciidanka ku bogaadiyay doorkii ay ka qaateen badbaadinta Shacabka, kadib markii habeen hore daadad Fatahaad ah ku soo rogmadeen Qardho.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.