Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa sheegaya in dhammaan dib laga helay dadkii lagu la’aa fatahaaddii daadadka ee habeen hore ka dhacday Qardho.
In ka badan 10 ruux, oo lagu waayay daadadkii ku soo rogmaday degmada Qardho, ayaa saaka la xaqiijiyay in dhammaantood nolol lagu soo helay, islamarkaana dib loogu celiyay Qoysaskoodii waayay.
Dadkaas ayaa la sheegay, in habeen hore daadadka roobku ku go’doomiyeen xaafado kala duwan, kadibna markii eheladoodu waayeen ay xiriir la soo sameeyeen mas’uuliyiinta gurmadka, si loo baadi-goobo nolol iyo geeri midkood.
Waxaase markii dambe dhammaantood laga soo helay goobihii ay ku go’doonsanaayeen, waxaana dib loogu celiyay Qoysaskoodii iyaga oo bed-qaba.
Fatahaaddii habeen hore ka dhacday Qardho, waxaa ku naf-waayay ilaa lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweeney ahayd, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Qardho.
Sidoo kale, waxaa ku hanti-beelay boqollaal Qoys oo haatan aan haysan hu’ iyo hooy midna, waxaana socda gurmad ballaaran oo loo samaynayo dadka ay waxyeellada gaarsiisay fatahaadda Roobka.
PUNTLAND POST