Dadweynaha Garoowe iyo Boosaaso oo gurmad u diray Qardho

Gurmadkii ka baxay Garoowe

Gurmadii ugu horreeyay oo ka yimid magaalada Boosaaso, ayaa saaka soo gaaray degmada Qardho, halkaas oo uu ka socdo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay Fatahaaddii Roobka Gu’ga.

Laba kamid ah gaadiidka Xamuulka ah, oo sida kaalmo ka kooban Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo agabka aas’aasiyaadka nolosha, oo laga soo uruuriyay dadweynaha Boosaaso, ayaa saaka soo gaaray degmada Qardho sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinka.

Gurmadkaas ka yimid magaalada Boosaaso, ayaa noqday kii u horreeyay ee soo gaaray Qardho tan iyo markii habeen hore fatahaadda daadadku ay khasaaraha ba’an ka gaysteen magaalada.

Sidoo kale, gurmad laga soo uruuriyay dadweynaha caasimadda Garoowe oo saaran laba gaari oo nooca Xamuulka ah, ayaa saaka ku wajahan Qardho, waxaana la filayaa in ay uu saacadaha soo socda gaaro halkaas.

PUNTLAND POST