Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo ku soo laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray maamulka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland oo saxaafadda kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumadda Jubbaland.

Wuxuu intaas ku daray Axmed madoobe in heshiiskaas uu u dhexeeyay dowladda Jubbaland iyo xubnahii saluugay doorashadii sanadkii hore, isla markana hadda ay diyaar u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro, si looga wada shaqeeyo danta shacabka Jubbaland.

Dhanka kale madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay khilaafka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ah, isagoo sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay wakhti walba in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay.

PUNTLAND POST