Xukuumadda Federaalka oo la faray in ay Guddi gurmad oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadka Qardho

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada Qardho, iyada oo dalka ay ka jirto halis caafimaad.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka iyo maamulka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka in ay Guddi gurmad Qaran oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadka ku soo rogmaday Qardho.

PUNTLAND POST