Khasaare baaxad leh oo u badan burbur hantiyeed ayaa ka dhashay daadad xooggan oo xalay ku fatahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Daadadka oo ka soo rogmaday dhanka Soolka xigta ayaa xalay harqiyay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Qardho kuwaas oo go’doomiyay dadweynaha Qardho islamarkaana burburiyay guryo fara badan.
Sidoo kale daadadkaas diiqalyadada ah ayaa bartamaha magaalada kala tagay gaadiid badan oo nooca raaxada ah halka gaadiidka waaweyn qaarkoodna ay ku rogmadeen oo wiishash lagu toosiyay.
Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho oo kaashanaya ciidamada kala duwan ee ku sugan Qardho ayaa gurmad ballaaran u fidiyay qoysas badan oo ku go’doomay guryahooda.
Khasaare dhimasho iyo dad biyuhu la tageen ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inkastoo aan weli mas’uuliyiintu faahfaahin ka bixin baaxadda khasaare ee naf iyo maal ka dhashay daadadkii xalay.
PUNTLAND POST