Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere, oo haatan wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ilaa iyo hadda la diiwaan-geliyay, ee ka dhashay daadadkii xalay ku fatahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Duqa ayaa xaqiijiyay in daadadkii xalay ay ku dhinteen lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweenay tahay ,islamarkaana wuxuu sheegay in ay jiraan dad gaaraya todoba qof oo weli la la’yahay nolol iyo geeri midna.
Cabdi Siciid Dheere, ayaa sidoo kale sheegay in ay daadadkaas ay dumiyeen gurya fara badan iyo goobo ganacsi oo muhiima, isagoo xusay in qoysaskii ku gurya belay daadadka qaarkood ay maamulku dejiyeen iskuullo ku yaalla gudaha magaalada.
Duqa degamada Qardho, waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan qoysas kale oo ku hanti-beelay daadadka, kuwaas oo bara-kacay, balse aan weli meelna la dejin.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiid badan ay la tageen daadadka roobka ee ku soo fatahay gudaha Qardho, gaadiidkaas ayaa u badan nooca raaxada loo yaqaan iyadoo ay jiraan gaadiidka waaweyn qaarkood oo ku qallibmay daadadka.
Hoos ka daawo wareysiga oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.