Roobabka gu’ga oo daadad xooggan ku fatahay magaalada Qardho

Roobab mahiiggaana oo saacadihii u dambeeyay si xawliya uga da’ayay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa daadad xooggan ku celiyay xaafadaha kala duwan ee Qardho.

Daadadka oo xooggoodu ka dhashay Roobkii galabta iyo caawa ka da’ay gobolka Karkaar ayaa buux dhaafiyay xaafadaha magaalada Qardho waxaana la soo sheegayaa in gurya badan dumeen halka qaar kalena laga cabsi qabo in ay dumaan haddii daadadku sii socdaan, waxaana jira gaadiid ay la tageen daadadku.

Sidoo kale biyaha Roobka ayaa qoysas badan guryaha ku buuxiyay halkaas oo laga daad-gureeyay carruurta iyo dadka tabarta yar islamarkaana ay agabyo kala duwan qaateen.

Ilaa iyo haatan si rasmiya looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay daadadkaas ku rogmaday Qardho balse waxaa la hubaa in ay saameeyeen dhammaan xaafadaha magaalada.

Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda wada dadaal xooggan oo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen daadadka si loo badbaadiyo xaafadaha buuxsamay ee khatarta ku sugan.

PUNTLAND POST