In ka badan 60 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Sheikh Cusmaan Barre.
Mooshinka oo loo gudbiyay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geeddi waxaa ku saxiixan 63 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle kuwaas oo Guddoomiyaha ku eedeeyay in uu jebiyay Dastuurka islamarkaana baal-maray kala madax-bannaanida hay’adaha Fulinta iyo Sharci-dejinta.
Xildhibaannada Mooshinka gudbiyay ayaa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka waxay ka dalbadeen in uu furo Fadhiga Golaha iyadoo uu aqblay soo jeedinta si looga doodo Mooshinka.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre ayaa isna sheegay in uu qabtay mooshin kale oo ka dhana Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare kaas oo ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan kuwaas oo Madaxweynaha ku eedeeyay Musuq maasuq baahsan iyo ku tagri-fal awoodeed.
Mooshinnada iska horjeeda ee ka socda Hirshabeelle ayaa ka dhashay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas kaas oo keenay in xildhibaannada Baarlamanku la kal saftaan labada mas’uul.
PUNTLAND POST