Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Taliye xigeennadii Booliiska Puntland

Taliye ku xigeenka Booliiska S/guuto Bile Faarax Cali

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeennadii kowaad iyo saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland.

Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka looga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska Puntland sarreeye Guuto Bile Faarax Cali.

Sidoo kale, waxaa dikreetadaas xilkii looga qaaday Taliye ku xigeenkii saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare  Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag).

Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli xilalkaasi loo magacaabay.

PUNTLAND POST