Dableey hubaysan oo dil iyo dhac ka gaystay Gobolka Sanaag oo la soo qabtay

Laamaha Amniga Puntland ayaa nawaaxiga degaanka Buraan ee Gobolka Haylaan ku qabtay laba kamid ah dableey hubaysan oo shalay dil ka gaystay jidka u dhexeeya tuulooyinka Cawsane iyo Midigale ee Gobolka Sanaag.

Kooxda ayaa shalay subax dil u gaystay nin dareewal ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiwahaab Cawil kaasi oo  watay gaari Land Cruiser islamarkaana ka yimid dhanka Ceeldaahir sidoo kale waxay wateen gaarigii marxuumka.

Dableeyda ayaa gaarigaas ula baxsaday degaanka Buraan ee Gobolka Haylaan halkaas oo laga soo qabtay laba kamid ah kooxda oo ka koobnaa shan ruux inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin saddexdii kale.

Labada nin ayaa lagu soo qabtay gaarigii marxuumka iyo laba qoryaha fudud ah waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga si loo hor-geeyo sharciga.

PUNTLAND POST