Al-shabaab oo sheegatay in ay saraakiil Ajnabiya ku dileen gudaha xarunta XALANE

Kooxda Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in afar sarkaal oo Ajnabiya ay ku dhinteen duqeymo Al-shabaab la beegsatay xarunta XALANE oo uu ku yaallo Taliska ugu weyn ee AMISIM islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka.

Al-shabaab waxay sheegtay in madaafiic xiriir ah oo ay shalay ku garaacday xarunta XALANE ay ku dhinteen afar sarkaal oo Ajnabiya kuwaas oo ku sugnaa gudaha xarunta sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in duqeyntii lala beegsaday XALANE ay haleeshay bartil-maameedkii laga doonayay kadib markii ay gudah Xarunta ku dishay xubno ka tirsan Shisheeyaha ku sugan XALANE.

Balse Al-shabaab faahfaahin kama bixin hay’adaha ay ka tirsanaayeen dadka ku dhintay madaafiicda ku dhacday xarunta XALANE iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan midkoodna.

Dhinaca kale Taliska AMISOM weli war kama soo saarin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta in duqeyntii shalay lagu dilay saraakiil Ajnabiya oo ku sugan xaruntooda.

PUNTLAND POST