Xirmooyin Jaad ah oo mar kale lagu gubay caasimadda Garoowe

Taliska Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xalay caasimadda Garoowe ku soo bandhigay xirmooyin Jaad ah, oo laga soo qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada, kadib markii si qarsoodiya loo soo geliyay.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, ayaa xirmooyinkaas Jaadka ah ku soo bandhigay saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe, halkaas oo dab lagu qabad siiyay.

Gen. Muxiyadiin oo goobta hadal ka jeediyay, ayaa u mahadceliyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku soo dhigay xirmooyinkaas Jaadka ah ee qarsoodiga lagu soo geliyay gudaha magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabtay, dhammaan dadka lagu yaqaan in ay ka shaqeeyaan soo gelinta iyo ka ganancsiga Qaadka iyo Khamriga, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST