Guddiga Xukuumadda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ayaa caawa shaaciyay in maanta oo keliya gudaha Puntland laga helay 4 bukaan oo qaba cudurka Coronavirus.
Guddiga ayaa sheegay in maanta oo Axad ah xanuunka laga baaray 10 bukaan oo looga shakiyay COVID-19 balse laga helay 4 qof oo keliya inkastoo aysan xusin magaalooyinka ay ku kala sugan yihiin.
Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in 10 bukaan ee cudurka laga baaray 7 ay rag ahaayeen halka 3-da kalena ay dumar ahaayeen.
Sidoo kale guddigu waxay sheegeen in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Puntland ay gaartay 10 ruux islamarkaana aysan jirin cid u geeriyootay xanuunka iyo cid ka bogsatay midna.
PUNTLAND POST