
Wararka ka imaanaya jidka u dhexeeya tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka dil ka gaysteen dableey hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan.
Kooxda hubaysan oo jid-gal sameeyay ayaa dilay qof shacab ah oo watay gaari Laylo ah (Land Cruiser) kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir waxaana ay goobta ka wateen gaarigiisi. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwahaab cawil.
Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaystay ay gaariga ula baxsadeen dhinaca Miyiga ah ee xigta degaanka Buraan islamarkaana aan weli gacanta lagu soo dhigin.
Laamaha Amniga Puntland ee gobolka Sanaag ayaa haatan halkaasi ka wada hawlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii dilka gaystay oo la baxsaday gaarigii marxuumka la dilay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.