Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay labo wasiir oo cusub

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta magacaabay labo Wasiir oo ka dhimanaa golihiisa wasiiradda.

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Qoorqoor ayaa Cabdinaasir Geelle Cilmi loogu magacaabay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, halka Maxamed Cabdi Maxamed, loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa 24 bishan magacaabay 23 Wasiir oo ay ku jiraan labo Xildhaan oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo labo xubnood oo haween ah.

PUNTLAND POST