
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo, ayaa dikreeto uu soo saaray xilka ka qaaday Guddoomiyihii ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alla iyo Guddoomiye kuxigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Axmed Xasan Iimaan u magacaabay Guddoomiye ku Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.
“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Ayaa lagu yiri dikreetada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen in uu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan hawlaha horyaalla.
Dikteerada ayaa lagu xusay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.