Dil Argagax leh oo ka dhacay Boosaaso

Marxuumka la dilay Cumar Maxamed Yuusuf

Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in saaka Boosaaso lagu dilay marxuum Cumar Maxamed Yuusuf, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska dowladda Puntland.

Dableey hubaysan, ayaa abbaare 10:00 subaxnimo ee saaka, waxay gudaha Boosaaso ku weerareen askariga, xilli uu ku sugnaa isgoyska laga raaco baabuurta u baxda magaalada Qardho, isagoo doonayay in uu Raashin u sii dhiibo hooyadiis oo ku nool Qardho.

Is-rasaasayn mudda daqiiqado ah socotay, ayaa dhexmartay askariga iyo kooxda soo weerartay oo ka koobnaa lix nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha  Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

Waxaase xusid mudan, in mudadii Rasaastu dhexmaraysay askariga iyo kooxda hubaysan, aysan jirin cid u soo gurmatay, waxaana marxuumka jirkiisa ku dhacay ilaa sideed xabbadood oo ay rideen kooxdii soo weerartay, kuwaas oo u gaystay dhaawac ba’an oo uu markii dambe u geeriyooday.

Sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan, isgoyska dilku ka dhacay oo xilligaas ahaa mid mashquul badan, waxaa dadkii halkaas ku sugnaa ay noqdeen kuwa cararay, kuwa goobahooda ganacsiga hoosta ka xirtay iyo kuwa iska daawanayay askariga la dilayo.

Dableeydii marxuumka dilay oo aan weli dhinac ay ka tirsan yihiin la xaqiijin, ayaa goobta isaga tegay, waxaana ay sii qaateen qorigii uu watay askariga oo uu daqiiqado ku dagaallamayey.

Dilkaas ayaa ku soo beegmaya, xilli uu sii xumaanayo Amniga magaalada Boosaaso, halkaas oo dilal qorshaysan ka dhacayeen todobaadyadii u dambeeyay.

PUNTLAND POST