
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Finish ayaa guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen laba marxuum oo habeen hore askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya uu ku dilay magaalada Muqdisho.
Labada marxuum oo magacyadooda lagu sheegay Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe ayaa askarigaas ku dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir waxaana markiiba xabsiga la dhigay askariga.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka faala qaaday nolosha Qoysaska islamarkaana dhowaan sharciga la horgayn doono askarigii dilka gaystay oo haatan xabsiga ku jira.
Dilka labada qof ee Rayidka ah ayaa sababay bannaan-baxyo ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho kuwaas oo looga horjeeday dilka shacabka.
Sidoo kale waxaa dhacdadaas xilka looga qaaday Taliyihii Saldhiga Booliiska degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo maamulayay askariga wax dilay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.