Kooxda Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay waaberkii hore ee saaka weerar madaafiic ah ku qaadday xarunta weyn ee XALANE ee magaalada Muqdisho.
Xarunta XALANE waxaa ku yaalla saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya gaar ahaanna Muqdisho waxayna sidoo kale hooy u tahay dibloomaasiyiin Shisheeyey iyo hay’ado caalamiya.
Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa ku soo warrantay in jugta qaraxyo waaweyn saaka laga maqlay gudaha xarunta XALANE kadib markii ay Al-shabaab ku qaadday weerar madaafiic ah inkastoo aysan xusin khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale Warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in qiiq iyo uuro madow ay cirka isku shareertay kadib markii ilaa 7 madfac ay ku habsadeen xaruntaas XALANE oo kaabiga ku haysa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Cadde.
Balse dhinaca AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarka la sheegay in lagu qaaday xaruntaas XALANE iyo haddii uu jiro khasaare ka dhashay midna.
PUNTLAND POST