Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa bogaadiyay Heshiisyada laga gaaray khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii Jubaland iyo Galmudug.
War-murtiyeed xalay ka soo baxay xubnahan, oo uu warbaahinta u akhriyay xildhibaan Maxamed Cabdikaafi Maxamed, ayaa lagu bogaadiyay Heshiiskii Siyaasadeed ee ay gaareen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasi oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Galmudug February 2020.
War-murtiyeedka, ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Heshiiska ay gaareen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo mucaaradkii ka horjeeday, Heshiiskaas oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii bishii Agoosto 2019 ka dhacday dowlad goboleedka Jubaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe.
Sidoo kale, xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada mucaaradsan ugu baaqday in ay wixii khilaafaad dhexdooda ah ku dhammeeyaan wada-hadal iyo isu-tanaasul.
Hoos ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST