Taliyihii saldhiga Boondheere oo xilkii laga qaaday iyo Bandowga Muqdisho oo wax laga baddelay

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska saldhiga degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Najiib Carab.

Xilka qaadista Taliye Najiib Carab ayaa lagu sababeeyey falkii xalay ay ciidamada bandowga Muqdisho ku dileen labo qof oo rayid ah, taas oo xalay iyo saaka sababtay bannaanbaxyo rabshada wata oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar ayaa sheegay in bandowgii dowladdu ku soo rogtay Muqdisho oo ka bilaabayay  7:00 fiidnimo, loo baddelay 8:00 fiidnimo.

Waa markii labaad oo la baddelo xiliga bandowga Muqdisho, 22kii bishan ayaa dowladdu is baddel ku sameysay, iyadoo sheegtay in uu ka bilaaban doono 7:00 fiidnimo, kuna ekaan doono 5:00 arroornimo.

Magaalada Muqdisho dad careysan ayaa ilaa xalay ka wada bannnaanbax ay uga soo horjeedaan labadii qof ee xalay ciidamada dowladda ku dileen Boondheere.

Bannaanbaxyaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa maanta xiray wadadda u dhaxeysa baarlamaankii hore ilaa Isgoyska Jubba, waxayna gubeen taayiro iyo boorar ay ku dhaganaayeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo Taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay dadkaas ayaa markii dambe ku qanciyey in maxkamad la soo taagi doono ciddii geysatay dilkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magaca iyo sawir askari ay sheegtay in uu geystay dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST