Kiisaska Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya oo gaaray 390 qof

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in maanta oo keliya xanuunka COVID-19 laga helay 62 bukaan oo cusub, kuwaaas oo 18 kamid ah ay dheddig yihiin, halka 44 ay lab yihiin.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Fawsiya Abiikar Nuur, oo Galabta soo gudbisay warbixinta xanuunka COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in laba ruux ay u geeriyoodeen cudurka halka laba kalena ka bogsadeen.

Wasiir Fawsiya, ayaa sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee dalka ay gaartay 390 qof, halka tirada dadka u geeriyooday ay gaartay 18 ruux,  sidoo kalena ay ka bogsoodeen 10 bukaan.

Marwo Fawsiya, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqday in ay taxaddar ka muujiyaan xanuunka COVID-19, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafidda xanuunka.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST