
Hay’adda Iskaashiga u qaabilsan waddanka Turkiga ee magaceeda loo soo gaabiyo TIKA ayaa Jimcihii shalay shaacisay in ay kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan kun Qoys oo ku nool waddanka Jabuuti
Qoraal ka soo baxay TIKA ayaa lagu sheegay in hay’addu kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan kun Qoys oo sabool ah kuwaas oo ku nool dalka Jabuuti inkastoo aysan faahfaahin ka bixin noocyada ay ka koobnayd kaalmadaas.
Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu xusay in mucaawinadaas banii’aadanimo ku soo beegmatay xilli uu waddanka Jabuuti ku sii fidayo xanuunka COVID-19 kaasi oo saamayn xooggan ku yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee Reer Jabuuti.
Jabuuti oo kamid ah dalalka Geeska Afrika waxaa si xawliya ugu faafaya xanuunka Coronavirus kaas oo haatan maraya 999 kiis sida laga soo xigtay wasaaradda Caafimaadka Jabuuti.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.