Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in xabsiga la dhigay askari Booliis ah oo xalay laba qof oo Rayid ah ku dilay magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in la qabtay askari Booliis ah oo laba qof oo shicib ah ku dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir isagoo xusay in sharciga la marsiin doono askarigaas.
Askariga oo sida la sheegay ka soo baxay saldhiga degmada Boondheere ayaa fiidnimadii xalay labada marxuum ku dilay aga’gaarka xarunta wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee ku taalla degmadaasi.
Dilka ayaa ka dashay muran dhexmaray askariga iyo wiil dhalinyaro ah oo guri hor fadhiyay islamarkaana diiday in uu xaroodo maadaama ay xilligii bandowga ahayd waxaana halkaas ku dhintay wiilkii iyo haweeney xabad wiifto ah gurigeed ugu gashay.
Dilkaasi kadib waxaa magaalada ka dhacay bannaan-bax rabshado watay kaasi oo dadweyn caraysan isku fidiyeen inta u dhexaysa isgoyska Jubba iyo dugsiga bartamaha halkaas oo ay taayiro ku gubeen.
PUNTLAND POST