Weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha Baraawe

Weeraro qaraxyo loo adeegsaday ayaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha magaaladda Baraawe oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin AMISOM.

Labo gaari oo walxaha qarxa lagu soo raray ayaa lagu weeraray saldhiga ciidamada Uganda ee Garoonka Diyaaradaha Baraawe, qaraxyada ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa burbur gaaray garoonka oo dhawaan xariga laga jaray.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaas, oo ay tilmaameen in ay la beegsadeen ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM, uuna jiro khasaaro ka dhashay oo ay soo bandhigi doonaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay weerrarka, wuxuuna sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo watay labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen in ay gudah galaan Garoonka Diyaaradaha Baraawe, balse laga hortagay.

Guddoomiye Najax ayaa tilmaamay inay weerarkaas ku dhinteen oo kaliya xubnihii waday gawaarida.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo Baraawe.

PUNTLAND POST