Wasiirada cusub ee Galmudug oo la magacaabay iyo Xildhibaanno Federaalka ah oo ka soo dhexmuuqday

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay golihiisa wasiiradda.

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo ka kooban 23 Wasiir waxaa ka soo dhexmuuqday Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo Xildhihaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana haween ah labo xubnood.

Hoos ka akhriso Liiska Wasiirada cusub ee Galmudug.

Cabdi Maxamed Fiidow, Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka.

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib Uheshiisiinta.

Axmed Macallin Fiqi, Wasiir Amniga Gudaha.

Farxaan Cali Maxamed (Farxaan Cali Gaab) Wasiirka Maaliyadda.

Maxamed Xaashi Dhoore, Wasiirka Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Daa’uud Maxamed Macallin, Wasiirka Dastuurka.

Saabir Nuur Shuuriye, Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga.

Siciid Siyaad Shirwac, Wasiirka Bay’ada.

Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame, Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga.

Axmed Dhiblaawe Casir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib Udhiska.

Aadan Cismaan Xuseen Qorloolay, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Yaxye Xiish Xasan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe), Wasiirka Biyaha iyo Tamarta.

Cabsiqaadir Macxamed Siciid Batroolka iyo Macdanta.

Xasan Cabduqaadir Xuseen, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha.

Xuseen Cabdulle Xasan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Axmed Shire Maxmuud, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Sahra Colaad Cabdi, Wasiirka Qurbajoogya iyo Dhiirogalinta Maalgashiga.

Axmed-nuur Xaaji Cismaan, Wasiirka Beeraha, Dhirta iyo Daaqa.




PUNTLAND POST