Warbixintii u dambeysay ee xaaladda Covid-19 Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo goordhaweyd jeedisay warbixintii u dambeysay ee xaaladda Covid-19 Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay ay soo kordheen 41 xaaladood, 2 bukaan oo dhimasho ah iyo 2 bogsaday.

Wasiir Fowsiya ayaa xustay in 41-da qof ee laga helay Covid-19 saacadihii u dambeeyey uu kamid yahay qof ku nool magaalada Gaalkacyo, gaar ahaa dhanka Koofurta ee Galmudug, waana kiiskii ugu horreeyey ee laga diiwaan galiyo degaanada Galmudug, waxayna tilmaantay in bukaanada 31 kamid ah yihiin lab, halka 10-ka kalana yihiin dhadig.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa noqonaysa 328 qof, halka dhimashadu ay gaareyso 16 ruux, sida ay xaqiijisay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Marwo Fowsiya Abiikar ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha dalka.

PUNTLAND POST