
Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay in ay si ku meel gaar ah u joojisay ka ganacsiga iyo cunista Qaadka, si looga hortago faafidda xanuunka COVID-19.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa go’aankaasi magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay, kadib kulan dhexmaray ganacstada Qaadka iyo guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortagga iyo maaraynta xanuunka Coronavirus.
Mudane Saylici, ayaa sheegay in go’aankaas uu dhaqan-geli doono laga bilaabo Axadda todobaadka soo socda ee ku beegan 26-ka bishaan April, uuna ku egyahay 21- bisha May ee soo socota, si looga feejignaado faafidda cudurka.
Madaxweyne ku xigeenka, ayaa xusay in ciidamada kala duwan ee Somaliland ay ku amran yihiin, in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo Jaad soo gelisa gudaha Somaliland mudadaasi cayiman oo dhan 25 cisho.
Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan
Puntland post
You must be logged in to post a comment.