Puntland oo sheegtay in aysan soo gaarin Lacagtii dowladda Federaalku u fasaxday dowlad goboleedyada

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland

Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in aysan waxba ka soo gaarin lacag min hal malyan ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay u fasaxday dowlad goboleedyada ka dhisan dalka.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi oo xalay u hadlay guddiga Puntland u qaabilsan COVID-19 ayaa caddeeyay in aysan jirin wax lacag ah oo uga timid dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo Warbaahintu weydiisay in ay Puntland soo gaartay Lacagtii Federaalku sheegay in loo fasaxay dowlad goboleedyada? ayaa ku jawaabay in Lacagtaas aysan Puntland weli ka helin dowladda dhexe.

Hadalka wasiirka Puntland ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii dowlad goboleedka Jubaland ay sheegtay in aysan waxba ka soo gaarin Lacagtii dowladda Soomaaliya u fasaxday dowlad goboleedyada si loogu isticmaalo la tacaalidda COVID-19

PUNTLAND POST