NISA oo sheegtay in ay dacwad ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa goor-dhaweyd sheegtay in ay dacwad ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda codka Mareykanka ee VOA.

Bayaan kooban oo caawa NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in ay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka u dugbisay gungaar gal-dacwadeed oo ka dhan ah Wariye Haaruun Macruuf.

“NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Bishan horraanteedii ayaa NISA sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso Wariye Haaruun Macruuf oo ay ku eedeysay anshax darro saxaafadeed iyo in uu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka.

Xeeldheerayaal saxaafadeed iyo sharciga ayaa xiligaas NISA ku eedeeyey in eedeynteedu baalmarsan tahay sharciga iyo nidaamka loo maro.

Wariye Haaruun Marcuuf ayaa soo diyaariya barnaamijka todobaadlaha ah ee Galka Baarista ee ka baxa VOA-da, kaas oo lagu soo bandhigo macluumaad qarsoon.

NISA waxaa Muqdisho ugu xiran Wariye Maxamed Abuuja oo muddo bil ka badan xiran, isagoo aan caddaalad helin.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa horey loogu eedeeyey in ay si adag u xakamaysay madax bannaanida saxaafadda iyo guud ahaan xuquuqda xorriyadda hadalka.

PUNTLAND POST